(Paris) 10 Sab 2018 Xiriirka laacibka reer France ee Adrien Rabiot iyo maamulka PSG ayaa gaaray meel xun sida ay baahisay Mundo Deportivo.
Qandaraaska Adrien Rabiot ee PSG waxaa uga harsan wax ka yar 11-bilood, laacibka ayaana diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.
Agaasimaha ciyaaraha PSG ayaa isku dayaya in Adrien Rabiot uu ku qanciyo inuu saxiixo heshiis cusub balse laacibku waa uu diiday isku day walba.
PSG ayaa ka hor istaagtay Adrien Rabiot fursad uu ugu biiri karay Barcelona suuqii xaggaaga, caradii uu ka qaaday tilaabada ay qaaday kooxdiisa ayuu u diiday saxiixida heshiiska cusub.
Wuxuuna ugu goodiyay PSG inuu qaab bilaash ah uga tagi doono marka uu dhamaysto qandaraaskiisa.
Gool FM