(Liverpool) 12 Sab 2018 Xiddiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir ayaa ugu danbayntii ka hadlay heshiiskii burburay ee uu ugu biiri rabay Liverpool.
Nabil Fekir ayaa tijaabada caafimaadka u maray kooxda Liverpool ka hor koobkii adduunka, balse Reds ayaa si dag dag ah uga baxday heshiiskii ay la gaartay laacibka.
Wuxuu sheegay in gabi ahaanba uu iska xiray arinta Liverpool isla markaana uu haatan ka fikirayo waxa soo socda.
“Waa inaad waydiisaan Liverpool sababtii uu u burburay heshiiska, waxaa haboon inay sii socoto noloshayda, wixii dhacay waa wax laga soo gudbay” ayuu yiri Nabil Fekir.
“Waan xiray wax walba oo ku saabsan Liverpool, waxaan ku fikirayaa waxa soo socda, wali Lyon kalama hadlin heshiis kordhintayda, balse waan arki doonaa wixii dhaca mustaqbalka”.
Gool FM