(Paris) 19 Sab 2018 Saxaafada dalka Faransiiska ayaa weerar ku qaaday xiddiga ugu qaalisan adduunka ee Neymar kadib guul daradii xalay.
Neymar ayaa ka dhex muuqan waayay kulankii xalay kooxdiisa looga adkaaday 3-2 ee Liverpool ay u martiyeen.
Wargayska Le Parisien ayaa weerar ku qaaday Neymar, wuxuuna sheegay inaysan isku qalmin sidii uu u ciyaaray iyo lacagtii laga soo bixiyay.
Kadib hal sano oo ka soo wareegay heshiiskiisa taariikhda galay ee uu ugu biiray PSG, xiddiga reer Brazil ayaa lagu eedeynayaa inuusan sifiican u muuqan kulamada waa wayn ee Champions League.
Wargayska ayaa ku eedeeyay Neymar inuu xal u heli waayay daafaca kooxda Liverpool oo uu awoodi waayay inuu dhaafo.
Gool FM