Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Neymar oo aaminsan in Ballon d’Or uu ku guuleysan doono mid ka mid ah 3-dan Xiddig

$
0
0

( Paris ) 04 Okt 2018. NEYMAR ayaa shaaca ka qaaday in mid kamida cayaariyahanada kala ah Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo laacibka ay isku kooxda yihiin ee Kylian Mbappe ay ku tartami doonaan ku guuleysiga Jaa’izada Ballon d’Or.

Laakiin laacibka ugu qaalisan kubbada cagta ayaa nafsad ahaantiisa iska saaray loolanka Abaalmarintaan.

Go’aanka lagu doonayo in lagu caleemo saaro laacibka ugu wanaagsan kubbad cagta ayaa lagu dhawaaqi doonaa bisha December, iyadoo laacibkaas lagu qiimeynayo waxqabadka xagaagii hore.

Neymar,kasoo ku dhameystay kaalinta seddaxaad laba jeer, ayaa u maleynin inuu heysto fursad uu markale qeyb kaga noqdo shaqsiyaadka u tartamada Abaalmarintan.

Natiijada sawirka Cristiano Ronaldo, Lionel Messi and Kylian Mbappe

Taa badalkeed wuxuu soo xushay seddaxda cayaariyahan kale ee ku hardamayaan – wuxuuna iska indho tiray xiddiga ay xagaagan isku wajahayaan Group-ka C Koobka Champions League ee Mo Salah oo kooxda Liverpool kamid.

Mar wax laga weydiiday qofka ku guuleysanaya Abaalmarintan, ayuu u sheehay majalada AS: “Waxaan jeclaan lahaa inaan iraahdo, Ronaldo, Messi iyo Mbappe.”

Ronaldo ayaa isha ku haya inuu markii lixaad ku guuleysto Ballon d’Or markii uu sanadkii seddaxaad oo xariira uu ku hogaamiyay Real Madrid koobka Champions League.

Messi, oo isna abaalmarintay qaaday shan jeer ayaa doonayo inuu hanto markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2015kii.

Natiijada sawirka Neymar believes Cristiano Ronaldo, Lionel Messi and Kylian Mbappe are the three front-runners to win the Ballon d’Or

Mbappe oo muujiyay qaab cayaareed cajiiba koobkii adduunka ayaa u suuragaliyay qaranka France hanashada koobka laakiin cayaariyanahada uu u xushay Neymar ku guuleysiga Ballon d’Or waxaa uga cadcad xiddiga qadka dhexe ee dhawaan loo magacaabay laacibka sanadka FIFA ee Luka Modric.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles