( Paris ) 10 Okt 2018. PARIS SAINT-GERMAIN’ ayaa ka cabsi qabta hanaan cayaareedka seddaxdeeda weerar kaddib sagaal dheel oo kooxdu badisay tan iyo bilaawga horyaalka Ligue 1 xagaagan.
82-sano kaddib, rikoodhkii ugu dambeyn waa la jabiyay kulankii 5-0 ay uga badiyeen kooxda Lyon cayaartaas uu 4 gool dhaliyay Kylian Mbappe.
Balse wadajirka weerar ee Mbappe, Neymar iyo Edinson Cavani ayaa iminka bilaabeen hagardaamo dhexdoodaa xili ay kamida yihiin weeraryahanada ugu wanaagsan adduunka.
Yeelkeede, wararka gudaha France ayaa xiganaya in uusan wacneed xariirkooda xiddigahaas, waxaana la warinayaan in Mbappe iyo Neymar aysan u faraxsaneen ka garab cayaarista weeraryahanka reer Uruguayan.
Waxay majalada L’Equipe soo qaadatay xog ku saabsan baasaska ay wadaageen laaciibtan oo kuu muujineysa xaasidnimo cad.
Sida laga soo xigtay tirakoobyada Baaska, Neymar ayaa kubbada u baasa Cavani mar kaliya labadii qobol uu kubbad cayaaro – waa qiyaastii 0.5 boqolkiiba inta mar uu Neymar kubbad u baaso cayaarta dhigiisa Cavani.
Mbappe ayaa isaguna u baasa kubbada ninka reer Uruguay boqolkiisa shan mar – taas ayaana cadeyn u ah in laba xiddig aysan dooneyn Cavani.
Neymar ayaa u baasa kubbada 25% boqolkiia Mbappe, halka wiilka France ee kamida musharaxiinta Ballon d’Or uu isaguna 31% boqolkiiba ku baasa dhaliyaha Brazil.
Hadaba waa Tan Xaqiiqo ku Saaban Baasaska ay wagaadeen seddaxda weerar ee kooxda PSG iyo goolasha ay dhaliyeen xagaagan
Gool FM.