Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Sababta uusan ugu soo bilaaban Mbappé kulankii Iceland, qaab ciyaareedka Dembélé iyo dhowr arimood kale uu ka hadlay tababare Deschamps

$
0
0

(France) 12 Okt 2018. Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ka warbixiyay sababta uusan ugu soo bilaaban Kylian Mbappé kulankii saaxiibtinimo ay la ciyaareen dhigooda Iceland.

Didier Deschamps ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “L’Equipe” ee dalka France wuxuu ku sheegay in Kylian Mbappé kulanka kahor ay dhibaato ka heysatay dhanka muruqa sidaas darteed uu doorbiday inuusan halis galinin xaaladiisa caafimaad.

“Mbappé wuxuu dareemayay xanuun dhanka muruqa ah, sidaas darteed waxaan jecleestay in aanan halis sii gelinin xaaladiisa caafimaad, waxaana go’aansaday in kulankan uu ciyaaro kaliya 30 daqiiqo”.

Dhinaca kale tababare Didier Deschamps ayaa wuxuu raali galin ka bixiyay qaab ciyaareedka labada xidig ee Ousmane Dembélé iyo Florian Thauvin, isagoo tilmaamay in Thauvin uu markii ugu horeesay kusoo bilaawday mudo fog kadib, laakiin xaalada isku xirnaanta kooxda ma aysan caawinin.

“Ousmane Dembélé wuxuu sameeyay waxyaabo fiican, iyo waxyaabo kale ee aan fiicneen, sida in kubada uu si fudud u lumiyay, waxay ahayd in badan inuu wax go’aamiyo”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles