(France) 13 Okt 2018. Macalinka xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa wuxuu iska diiday inuu xaqiijiyo in Thierry Henry uu qaban doono shaqada tababarka ee kooxda Monaco, laakiin wuxuu xaqiijiyay inuu taageeri doono marka uu baxo.
Roberto Martínez ayaa kadib kulankii ay wada ciyaareen xulalka Belgium iyo Switzerland wuxuu ka hadlay wararka leysla dhex marayo ee ku aadan in Thierry Henry uu ku dhow yahay qabashada shaqada tababarka ee kooxda Monaco.
“Ma aqaano haddii uu ka tagi doono shaqada xulka qaranka Belgium iyo hadii kale, laakiin waxaa hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah uu Thierry Henry bixi doono”.
“Wuxuu inbadan inaga caawiyay khibradiisa, sidaas darteed si xoogan ayaan u taageeri doonaa xitaa hadii uu baxo.
Sida laga soo xigtay dhowr warbaahin ee dalka France ah uu ku jiro wargeyska L’Equipe, Thierry Henry ayaa ah musharaxa ugu horeeya ee bedeli doona booska tababare Leonardo Jardim oo shaqada tababarka kooxda Monaco laga ceeriyay Khamiistii lasoo dhaafay,.
Dhinaca kale tababaraha reer Spain ee Roberto Martínez ayaa xaqiijiyay inuu macalin weyn ku noqon doono Thierry Henry mudo gaaban.
“wuxuu awood u leeyahay Thierry Henry inuu tababare weyn ku noqdo waqti gaaban”.
Gool FM.