(Monaco) 18 Okt 2018. Tababaraha cusub ee kooxda Monaco, ahna halyaygii hore kooxaha Arsenal iyo Barcelona Thierry Henry ayaa ka hadlay khibradiisa cusub iyo in markii ugu horeesay loo magacaabay tababare, sidoo kale wuxuu ka hadlay khibrada uu ka heysto macalimiintii uu horey kaga soo hoos shaqeeyay.
Kooxda Monaco ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in halyayga kooxda Arsenal iyo xulka qaranka France ee Thierry Henry uu yahay macalinka cusub ee kooxdooda si uu u noqdo badalka Leonardo Jardim oo shaqada laga ceyriyay khamiistii lasoo dhaafay.
“Pep Guardiola waxa uu noqon doonaa isha ugu muhiimsan ee xirfadeyda tababarka, inaan raaco qorshihiisa tika taakada tababarkeyga kooxda Monaco, waxay muhiim u noqon doontaa shaqadeyda”.
“Waxaan mar kale kasoo bartay wax badan ee ku saabsan kubada cagta, marka uu tababare iigu soo noqday kooxda Barcelona, waxaana ku guuleysanay tartamada oo dhan”.
“Arsène Wenger waa shaqsi cajiib ah, wax badan oo badan ayuu i baray, wuxuu igu abuuray khibrad igu filan aan ku noqon karo ciyaaryahan xirfad leh, wuxuu i gaarsiiyay ilaa iyo heer sare, marnaba ma iloobi doono inuu sabab buuxda u noqday isbadalka ku yimid nolosheyda”.
“Qof walba waa inuu bartaa khibrad kasta ee noloshiisa ah, anigana waxaan heystaa wax igu filan ee aan kasoo bartay macalimiintii aan kasoo hoos shaqeeyay, xitaa saaxiibadey waxyaabo badan ayaan kasoo bartay”.
“Hada waxaan dhameystiri doonaa riyadeyda tababarka ee kooxda Monaco, wax badan ayaan ka fikiray inaan ogolaado heshiiskan”.
Gool FM.