(Munich) 22 Okt 2018 Bayern Munich ayaa qaaday tilaabadii ugu horaysay oo ay ku soo xerogalinayso saxiixa laacibka kooxda Lyon ee Nabil Fekir.
Wargayska Kicker ee dalka Jarmalka ayaa baahiyay in Bayern Munich ay u dirtay indha indheeye kulamadii u danbeeyay ee uu ciyaaray Nabil Fekir.
Indha indheeyaha ayaa xaadir ahaa kulankii Lyon ay barbaraha 2-2 la gashay kooxda Shakhtar kulan ka tirsanaa wareega guruubyada Champions League horaantii bishaan.
Bayern Munich ayaa ku qasban inay hordhigto Lyon lacag dhan 60 milyan oo euro si ay ugu qanciso iibka Nabil Fekir.
Tilaabada ugu horaysa ee ay qaadayso Bayern Munich ayaana noqon doonta suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo.
Gool FM