(Paris) 03 Nof 2018 Laacibka kooxda PSG iyo xulka Talyaaniga ee Marco Verratti ayaa raali galin ka bixiyay falkii uu ku kacay arbacadii.
25 jirkaan ayaa la qabtay isaga oo kaxaynaya gaarigiisa xili uu u cabsanaa si ka baxsan xadka laga ogol yahay dalka France.
Marco Verratti ayaa sheegay inuu ogaaday inuu galay qalad wayn oo ay haboonaan lahayd inuu ka gaabsado, wuxuuna bixiyay raali galin.
Marco Verratti oo la hadlay wargayska Le Parisien ayaa yiri:
“Waxaa i soo maray maalmo adag, raali galin ayaan bixiyay maalintii xigtay ee baaritaankii aan maray, wali waan da’yarahay, laakiin taasi cudur daar iima siinayso inaan sameeyo wixii aan ku kacay”.
“Wax badan ayaan ka baranayaa arinkaan, waxaan ku adkaynayaa caruurta inaysan samayn wixii aan sameeyay, dadaal walba ayaan ku bixiyay sidii aan u raali galin lahaa dhamaan kulankii Lille”.
“Waan idin raali galinayaa dhamaantiin, waxaas oo kale dib dambe uma samayn doono”.
Gool FM