(PSG) 14 Nof 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda PSG ee Marco Verratti ayaa sheegay inuusan ka warqabin waxa ay warbaahinta ka sheegeyso mustaqbalkiisa.
Marco Verratti ayaa kahor kulanka xulalka Italy iyo Portugal ee tartanka UEFA Nations League, wuxuu ka warbixiyay sida uu noqon doono mustaqbalkiisa kooxda PSG.
“Kuma fikirayo inaan ka dhaqaaqo kooxda, mana xiiseenayo waxa ay warbaahinta ka hadleyso, qaab wanaagsan ama qaab xun intaba”.
“Waxaan u ciyaarayaa koox igu kalsoon ee aan ixtiraamo, 7 sano ayaan la joogaa kooxdan, wax dhibaato ah kuma qabin macalinka, gaar ahaan marka ay kooxda dooneesay inay shaqaaleyso xidigo waaweyn sanad walba”.
Si kastaba Marco Verati ayaa sheegay inuu ku noolaa todobaad adag, kadib markii lagu eedeeyay in uu gaari ka xeeyay isaga oo cabsan Khamri, wuxuuna sheegay inaysan ku habooneyn xaaladan oo kale ciyaaryahan ka tirsan koox weyn ee qaarada Yurub ah.
Gool FM.