(France) 19 Nof 2018. Macalinka reer France ee Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay inuu markale dib ugu soo laabanayo shaqada tababarka, wuxuuna hadalkiisan imaanayaa kadib wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee BN Sports.
Arsene Wenger ayaa sheegay in bisha January ee soo aadan uu kusoo laaban doono shaqada tababarka, “Waxaa jira xoogaa jah wareer ah, balse waxaan heystaa waqti badan ee aanan horey u haysanin”.
“Wuxuu ahaa xaalka mid aad u adag, balse waxaan u tix galiyaa inay tahay caqabad, mana dareemayo mar walba inaan ka fariistay kubada cagta, sababtoo ah waxaan ahay dagaalyahan”.
“Nolosha mar walba waxaad dooneysaa inaad wax faa’iido ah ka sameyso, balse waxaa jira waxyaabo qaar ee aan ilaa iyo haatan ka dooneynin kubada cagta xiligan.
“Balse dagaalanka iyo ku guuleysiga koobab, taasi waa wax ka weyn dareenka, waxaan wadaagnaa guulaha iyo dhamaan waqtiyada wanaagsan iyo kuwa xun, taasi waa wax inaga maqan”.
Gool FM.