(PSG) 11 Dis 2018. Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay wanaajisay Neymar Jr si ay kaga dhigto safiir aan caadi aheyn ee ka tirsan Bankiga Dhexe Qaranka dalka Qatar.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa arintan ka damacsan si ay u soo afjarto warar xan ah oo ku saabsan inuu baxayo laacibka reer Brazil xiliyada soo aadan.
Saxaafada dalka Spain ayaa dhawaan ka hadashay rabitaanka xiddiga reer Brazil ee Neymar ee ku aadan inuu ka tago kooxda Paris Saint-Germain, maadaama uu ka qoomameenayo heshiiskii uu kaga soo dhaqaaqay Barcelona.
Neymar Jr ayaa isku dayay inuu la hadlo madaxda Barcelona si uu markale dib ugu soo laabto garoonka Cump Nou, xili sidoo kale ay kooxda Real Madrid xiiseeneyso inay sameyso saxiixiisa suuqa xagaaga ee soo aadan.
Hase yeeshee maamulka kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxay ku dhaqaaqeen talaabe maskaxeysan, si ay u wanaajiyaan laacibka reer Brazil, isla markaana ay kaga dhigaan safiir ka tirsan Bankiga Qaranka ee Qatar.
Heshiiska waxaa ka mid ah dhammaan xuquuqda suuq-geynta inuu safiir ka noqon doono Neymr Jr, waxaana heshiiskan saxiixay Neymar iyo aabihiis, sidoo kale maamulaha guud Bankiga ee faraca dalka France.
Gool FM.