(Barcelona) 12 Dis 2018 Kooxda Barcelona ayaa niyad jabisay dhigeeda reer France ee PSG kadib markii ay sheegtay in Ivan Rakitic uusan u dhaqaaqi doonin caasimada Faransiiska.
Ilawareedyo uu wargayska Mundo Deportivo ka dhex helay gudaha Barcelona ayaa u xaqiijiyay in Ivan Rakitic uu la sii joogi doono kooxdiisa dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Mid kamid ah wariyayaasha Radio Catalunya ayaa sheegay Barcelona inay ogolaatay in Ivan Rakitic uu ka tago kooxda kadib markii la bixiyay qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa oo ah 125 milyan oo euro.
Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ivan Rakitic uu iib geeyay gurigiisa, wuxuuna isku diyaarinayaa in gabdhihiisa uu geeyo iskuul Faransiis ah taas oo cadayn u ah inuu ku sii jeedo PSG.
Wararkaas waxaa beeniyay kooxda Barcelona oo sheegtay in Ivan Rakitic uusan meelna uga socon Camp Nou.
Gool FM