Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG oo weerar ku qaaday Barcelona sababa la xiriira Adrien Rabiot

$
0
0

(PSG) 20 Dis 2018. Agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG Antero Henrique ayaa si xoogan u weeraray maamulka Barcelona, isagoo tilmaamay in Blaugrana aysan ixtiraamin sharciyada, kadib markii si hoose ay wada hadal ula furteen xidiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot.

Macaga Adrien Rabiot ayaa si xoogan lala xiriirinayay in kooxda Barcelona uu u dhaqaaqi doono xili ciyaareedka soo aadan kadib marka uu soo idlaado heshiiska uu ku joogo PSG.

Hadaba Antero Henrique ayaa wareysi uu dhawaan ku bixiyay wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca kaga qaaday dhowr arimood ay qeyb ka tahay in kooxda Barcelona aysan ixtiraamin sharciyada.

“Waxaan mar walba layaab nagu noqda kooxo aan ixtiraameynin sharciyada”.

“Aad ayaan u la yaabay, kadib markii ay Adrien Rabiot hooyadiis tiri waxaan dalab ka helnay kooxda Barcelona, si ay laacibka ula wareegaan xili ciyaareedka soo socda”/

“Haa taasi waa ay dhacday, laakiin waxaan dalabkan helnay 29-ka August saacada marka ay ahayd 8-da fiidnimo, ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, taasoo ka dhigan in Barcelona ay wax walba kala heshiisay ciyaaryahanka iyadoo aanan nagu soo laabanin”.

“Dalabkii Barcelona ayaa ahaa mid aad u liita, PSG waxa ay la yaabtay lacagtii ay soo bandhigtay Barcelona, wuxuu ahaa dalab aan ku habooneyn in lagula wareego ciyaaryahan weyn sida Adrien Rabiot oo kale, sidaas darteed ma ogolaan kartid inaad qaabkan ku iibiso ciyaaryahan weyn, sidaas darteed Barcelona waxay wax walba kala heshiisay Adrien Rabiot”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles