(Yurub) 23 Jan 2019. Wararka kasoo baxaya gudaha dalka Spain ayaa sheegaya in ciyaaryahanka khadka dhexe reer Holand iyo kooxda Ajax Frenkie de Jong uu go’aamiyay mustaqbalkiisa.
21 jirkan ayaa waxaa adeegiisa si xoogan u daneenaya kooxaha waaweyn ee qaarada yurub, sida Barcelona, Paris St Germain iyo Manchester City.
Waxaa jiray warar soo baxay ee sheegayay in da’ayarka reer Holand uu qarka u saaran yahay in uu heshiis qalinka ugu duuga kooxda reer France ee Paris St Germain.
Laakiin Ràdio Catalunya ayaa sheegay in wakiilka Frenkie de Jong uu u sheegay kooxda Barcelona in laacibka uu ogolaaday u dhaqaaqista garoonka Cump Nou, isla markaana uu iska diiday dalabyada kaga yimid kooxaha PSG iyo Manchester City.
Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa la filayaa in maanta oo Arbaco ah uu u safro magaalada Amsterdam ee dalka Holand si uu u dhameystiro faafaahinta heshiiska Frenkie de Jong.
Kooxda Barcelona ayaa ku qasbanaan doonta in ay ku bixiso saxiixa Frenkie de Jong qiimo dhan 75 million euros, xili ay wararka intaas ku sii darayaan in la filayo heshiiskan in lagu dhawaaqo isbuuca soo aadan.
Gool FM.