(PSG) 15 Feb 2019. Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr ayaa ayaa shaaca ka qaaday faahfaahinta hal arin uu ka balan qaaday goolhaayaha reer Talyaani ee Gianluigi Buffon.
Waxa uu yiri xidiga reer Brazil ee Neymar Jr, sida uu ku waramayo wargeyska L’Equipe ee dalka Faransiiska.
“Howlgalka aan kaga soo kabanayo dhaawaca aan qabo wuxuu u socdaa si fiican, waxaan rajeynayaa inaan dib u soo laabto si aan u sii ciyaaro kubada cagta, oo ah waxa aan aduunkan ugu jeclahay”.
“Dadka qaar waxay u maleeyaan in ka ciyaarista horyaalka Faransiiska ay tahay shaqo fudud, laakiin awooda jireed ee tartamayaasha waa mid muuqata”.
Neymar ayaa intaas kadib sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay kooxdiisa Paris Saint-Germain wuxuuna sidoo kale farxad weyn ka muujiyay in Gianluigi Buffon ay ka wada tirsan yihiin hal koox.
“Waxaan u balanqaaday Gianluigi Buffon inaan ka caawin doono inuu ku guuleysto tartanka Champions League”.
“Markii aan dhaawacmay, Gigi wuxuu ii soo diray fariin wuxuuna igu yiri, soo laabo waan kuu baahanahay, sidaas darteed aan ayaan u jeclahay isaga”.
Gool FM.