(France) 19 Feb 2019. Macalinkii hore kooxda Arsenal reer France ee Arsene Wenger ayaa sheegay in markii ugu horeysay uu arkay Kylian Mbappé uu durbadiiba u maeleeyay inuu noqon doono Pele cusub ee kubada cagta.
Arsene Wenger ayaa wareysi ku aadan arintan uu bixiyay wuxuu kaga dhawaajiyay:
“Markii ugu horeysay ee aan arkay Kylian Mbappé, waxaan u mooday in Pele cusub aan ku yeelan doono Faransiiska”.
Macalinkii hore kooxda Arsenal oo halkiisa kasii wada faalada Kylian Mbappé ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray:
“Wuxuu durbaba noqday ciyaaryahan heer caalami ah”.
Si kastaba Kylian Mbappé ayaa ka mid ah tiirarka ugu fiican uguna muhiimsan xiligan xulka qaranka France, iyo sidoo kale kooxdiisa Paris Saint-Germain.
Gool FM.