(PSG) 9 March 2019. Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay hirgeliso saxiix weyn ay ka dooneyso kooxda Barcelona kadib marka uu furmo suuqa xagaaga ee soo aadan.
Sida laga soo xigtay “Radio Monte Carlo” ee dalka Spain, Paris Saint-Germain ayaa qorsheeneysa inay sameyso saxiixa xidiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, kadib markii ay dhawaan isaga hareen tartanka Champions League.
Kooxda PSG ayaa dooneysa inay ka aargoosato Barcelona, kadib markii ay kaga guuleysteen saxiixii ay ku loolamayeen ee da’ayarka reer Holand iyo kooxda Ajax Frenkie de Jong.
Coutinho ayaa horey u ahaa bar-tilmaameedka madaxweynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi, balse wuxuu haatan markale soo celiyay xiisahiisa kaga aadan laacibka reer Brazil, si uu saxiixiisa u dhaqan galiyo suuqa xagaaga ee soo aadan.
Inkastoo heshiiska uu Philippe Coutinho ku joogo kooxda Barcelona uu gaarayo ilaa iyo 2023, isla markaana qiimaha lagu burburin karo uu gaarsiisan yahay 400 milyan euro, hadana Coutinho ayaan ku heysan wakhti fiican garoonka Cump Nou xili ciyaareedkan.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in PSG ay u qorsheesay saxiixa Philippe Coutinho aduun dhan 270 milyan euro, si ay ugu midoobaan xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee Neymar Jr garoonka Parc des Princes.
Maal-qabeenada kooxda reer France ayaa waxay doonayaan inay xoojiyaan safka kooxdooda kadib markii ay dhawaan isaga hareen tartanka Champions League.
Gool FM.