(Yurub) 11 Maarso 2019. Xidiga xulka qaranka Faransiiska iyo kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa sheegay inuu la seexan waayay guuldaradii ay kala kulmeen Manchester United Arbacadii, taasoo sababtay inay ka haraan tartanka Champions League.
Paris Saint-Germain ayaa 2-0 ku badisay kulankii lugtii hore wareega 16-ka ee tartanka Champions League ay kula ciyaareen kooxda Manchester United garoonka Old Trafford, laakiin kulankii lugta labaad ee ka dhacay garoonka Parc des Princes ayaa loo dhiibay 3-1.
Yeelkadeed, Kylian Mbappé ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Téléfoot” ee dalka France wuxuu kaga hadlay guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Manchester United.
“Waxaan la dhibtooday hurdo la’aan, waana hubaal in arintan aysan ku koobneyn aniga oo kaliya, waxaan ka naxnay guuldarada, mana jirto ereyo lagu cabiri karo”.
“Waxaan si adag kaga shaqeynay inaan gaarno wakhtigan, balse waan niyad jabnay”.
Gool FM.