(Paris) 20 Maarso 2019. Shabadda ciyaaraha ee France Football ayaa soo saartay liiska 50-ka tababare ee ugu fiicanaa taariikhda kubbada cagta adduunka.
Ferguson ayaa seegay kaalinta koowaad, Arsene Wenger ayaa laga waayey 30-ka sare ee liiskan, halka Jose Mourinho uusan xitaa ka mid ahayn 10-ka sare.
Macallinkii guulaha ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaan ka soo muuqan kaalinta koowaad ee liiskan kaddib markii uu ku guuleystay 13 Premier League, 5 FA Cup, 5 League Cup iyo 2 Champions League.
Halyeygii hore ee Manchester United ayaa ka soo muuqday kaalinta labaad, waxaana uu ka dambeeyaa ninka reer Holland ee Rinus Michels oo ku jira kaalinta koowaad.
Tababare Rinus Michels ayaa geeriyooday sanadkii 2005 markaasoo uu ahaa 77-sano jir, waxaana intii uu ku jiray heerka maamul uu koobka European Cup la qaaday kooxda Ajax, horyaalka La Liga ayuu kula guuleystay Barcelona, halka European Championship uu la hantay xulka qaranka Holland sanadkii 1988.
Dhinaca kale Arsene Wenger ayaa nasiib u yeelan waayey inuu ka soo muuqdo 30-ka ugu sarreysa liiskan, waxaana macallinka reer France uu Arsenal kula guuleystay 3 Premier League, 7 FA Cup iyo 5 Community Shields mudadii 22-sano ahayd ee uu hayey xukunka Gunners.
Wenger ayaa sidoo kale sare u eegaya oo ka dambeeya macallimiinta Diego Simeone oo ku jira kaalinta 31-aad, Zinedine Zidane (22), Louis Van Gaal (18) iyo Brian Clough (15).
Waxaa liiskan yaab noqotay in macallinka haatan ee Liverpool Jurgen Klopp uu ka sarreeyo tababare Arsene Wenger.
Jose Mourinho ayaa ku guuldarreystay inuu ka mid noqdo 10-ka sare ee liiskan, waxaana uu ka soo muuqday kaalinta 13-aad, isagoo ka dambeeya tababareyaal ay ku jiraan Pep Guardiola iyo Carlo Ancelotti.
LIISKA OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-
Gool FM.