(Chișinău) 23 Maarso 2019. Xulka qaranka France ayaa xalay 4-1 uga soo adkaatay dhiggooda Moldova oo ay booqdeen kulan ka tirsan gurubka H ee isreeb-reebka Euro 2020.
Afar ciyaaryahan oo kala duwan ayaa goolal u dhaliyey xulka qaranka France kulankan waxaana ay kala yihiin Antoine Griezmann, Raphael Varane, Olivier Giroud iyo Kylian Mbappe.
Olivier Giroud ayaa goolka saddexaad ee kulankan dhaliyey waxaana uu noqday xalay xiddiga saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka France.
Giroud waxa uu xalay dhaliyey goolkiisii 34-aad ee xulka qaranka France waxaana uu sidaas ku barbareeyey David Trezeguet oo isna xulka u dhaliyey 34 gool ahaana laacibka saddexaad ee ugu goolasha badan taariikhda France.
Ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka Faransiiska dhanka ragga waa Thierry Henry oo leh 51 gool, waxaana kaalinta labaad ku jira Michel Platini oo isna xulka u dhaiyey 41 gool.
Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka France:-
Thierry Henry (51)
Michel Platini (41)
David Trezeguet (34)
Olivier Giroud (34)
Gool FM.