Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Lionel Messi oo kaalinta labaad ka soo galay xiddigaha ugu caawinta badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan

$
0
0

(Yurub) 02 Abriil 2019. Waxaa la shaaciyey xiddigaha ugu caawinta badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaa kaalinta labaad ka soo galay xiddigaha ugu caawinta badan horyaalladda waa weyn ee Yurub xilli ciyaareedkan, kabtanka Barcelona ayaana ka dambeeya da’yarka Jadon Sancho.

Jadon Sancho oo ka tirsan kooxda Borossia Dortmund ayaa hoggaaminaya xiddigaha ugu caawinta badan illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan, waxaana uu sameeyey 13 caawin.

Leo Messi ayaa kaalinta labaad ku jira kaasoo sameeyey 12-caawin waxaana uu hal caawin ka dambeeyaa Sancho.

Jadon Sancho ayaahadda 13 caawin ka sameeyey horyaalka Jarmalka waana in ka badan ciyaaryahan kasta oo kale shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan.

Weeraryahanka kooxda Chelsea ee Eden Hazard ayaa isna ka soo muuqday kaalinta saddexaad waxaana uu noqday ciyaaryahanka saddexaad ee ugu caawinta badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub kaddib markii uu illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan sameeyey 11 caawin.

Ángel Di María, Christian Eriksen, Joshua Kimmich iyo kuwo kale ayaa iyaguna sameeyey min 10 caawin waxaana ay ka mid yihiin xiddigaha illaa iyo hadda ugu caawinta badan horyaallada waa weyn ee Yurub.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xiddigaha ugu caawinta badan illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub iyo laacib waliba inta caawin oo uu sameeyey:-

Jadon Sancho (13)

Lionel Messi (12)

Eden Hazard (11)

Ángel Di María (10)

Christian Eriksen (10)

Joshua Kimmich (10)

Julian Brandt (10)

Ryan Fraser (10)

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles