Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Xulka Belgium oo ka soo muuqday kaalinta koowaad qiimeynta billaha xulalka adduunka ee FIFA… (Kaalintee ayay ku jiraan xulkeenna Soomaaliya iyo dalalka la jaarka ah?)

$
0
0

(World) 04 Abriil 2019. Xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa maanta shaaciyey qiimeynta billaha ah ee kala sarreynta xulalka Adduunka, waxaana kaalinta koowaad ka soo muuqday xulka qaranka Belgium.

Xulka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 lagu qabtay dalka Ruushka ee France ayaa kaalinta labaad ku sii jira oo aan wax isbedel ah sameynin, si la mid ah xulka Brazil oo kaalinta saddexaad fadhiya oo aysan waxba iska bedelin booskiisa bishii hore.

Xulka qaranka England ay hal tallaabo sare u soo kacay waxaana uu soo galay kaalinta afaraad, halka xulkii gaartay afar dhammaadka Koobkii Adduunka 2018 ee Croatia ay hoos ugu dhaceen kaalinta shanaad.

Uruguay ayaa soo tiigsaday kaalinta lixaad, halka xulka qaranka Germany uu ka soo muuqday kaalinta 13-aad.

Portugal ayaa ku jira kaalinta 7-aad, halka Spain uu ka muuqdo kaalinta 9-aad ee kala sarreynta qiimeynta billaha ee xulalka adduunka FIFA.

Netherlands ayaa labo darajo hoos u dhacay waxaana uu ku jiraa kaalinta 16-aad, halka Sweden uu fadhiyo kaalintii uu bishii hore ku jiray ee 14-aad, xulka Chile ayaana hoos ugu dhacay kaalinta 15-aad.

Dhanka kale xulkeenna Soomaaliya ayaa soo galay kaalinta 203-aad kaddib markii uu muddo badan ku jiray kaalinta 204-aad, iyadoo ay sidoo kale kaalintaa la wadaago xulka Eritrea.

Xulka Jabuuti ayaa sare u kac sameeyey waxaana uu ka soo muuqday kaalinta 197-aad, xulka Kenya uu joogo kaalinta 108, Ethiopia ayaana ku jira 150-aad.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles