(Paris) 22 Abriil 2019. Kooxda kubadda cagta PSG ee ka dhisan Waddanka Faransiiska ayaa xalay ku guuleysatay markeedii siddeedaad horyaalka Ligue 1 ee dalkaas.
Kooxda PSG ayaa guuldarro 3-1 dhabarka u saartay naadiga Monaco xilli Kylian Mbappe uu saddexleey ugu shubay kooxdiisii hore ee Monaco.
PSG ayaa horyaalka Ligue 1 siddeeda jeer oo ay ku guuleysatay xilli ciyaareedyadan kala qaaday: 1985–86, 1993–94, 2012–13, 2013–14, 2014–15, 2015–16, 2017–18, 2018–19.
Haddaba Kylian Mbappe ayaa ku rajo weyn inuu kabta dahabka ah ee la siiyo xiddiga ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waa weyn qaaradda Yurub ka qaado Lionel Messi.
Kaliya labo ciyaaryahan ayaa 30 gool ka dhaliyey xilli ciyaareedkan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, kabtanka Barcelona ee Leo Messi ayaa dhaliyey 33 gool horyaalka La Liga, halka Kylian Mbappe uu kooxda PSG u dhaliyey horyaalka Ligue 1 30, taasoo ka dhigan inuu saddex gool oo qura ka dambeeyo xiddiga reer Argentina.
Mbappé ayaa noqday Faransiiskii ugu horreeyay ee 30 gool hal xilli ciyaareed ka dhaliya Horyaalka Ligue 1, waxaana uu markaan rabaa inuu kabta dahabka ah ka qaado Messi.
Haddaba halkaan hoose ka eeg sida loo kala sarreeyo gooldhalinta shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.
Lionel Messi, Barcelona: 33 gool
Kylian Mbappe, Paris Saint-Germain: 30 gool
Fabio Quagliarella, Sampdoria: 22 gool
Robert Lewandowski, Bayern Munich: 21 gool
Krzysztof Piatek, Genoa/AC Milan: 21 gool.
Gool FM.