(Yurub) 27 Abriil 2019. Guddiga anshaxa ee UEFA ayaa ganaax dul dhigtay xidiga kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr.
Laacibka reer Brazil ayaa la dul dhigay ganaax 3 kulan, kaddib markii lagu eedeeyay inuu aflagaado u geystay caawiyaasha garsoorka kulankii lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka Champions League ay kula ciyaareen kooxda Manchester United, kasoo ka dhacay garoonka Parc des Princes, kuna dhamaaday 3-1 ay ku adkaatay Red devils.
Manchester United ayaa kulankaas kaga soo laabatay qaab mucjiso ah, kaddib guuldaro 2-0 ah ay kala soo kulantay kooxda Paris St Germain garoonkeeda Old Trafford, waxayna natiijada dhinaca kale ugu dhigtay 3-1, taasoo u suuragalisay inay u gudbaan wareega 8-da ee tartanka Champions Leagu.
Yeelkadeeda, Neymar Jr ayaa wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato ganaaxn, balse hadii aan laga ogolaanin in laga dhimo ganaaxa, ciyaaryahanka reer Brazil ayaan ciyaari doonin kala bar ama qeybta hore kulamada wareega group-yada tartanka Champions League ee xili ciyaareedka soo socda.
Neymar ayaa ka xanaaqay garsooraha ciyaarta, kaddib markii uu rigoore ku abaal mariyay kooxda Manchester United, sababa la xiriira kubad ka timid Dalot inay gacanta kaga dhacday daafaca reer France ee Kimpembe, waxaana daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta goolkii ay kaga soo gudbeen PSG u badalay Rashford.
Si kastaba ha ahaatee, Neymar Jr ayaa si cad uga hadlay go’aanka garsooraha boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuuna yiri:
“Runtii ma jirin wax rigoore ah, taasi waa ceeb, waxay soo dhigeen afar qof oo aan waxba ka aqoon kubadda cagta, waxayna sidoo kale mas’uul ka ahaayeen fiirinta farsamada fiidiyowga ee VAR”.
Gool FM.