(Paris) 12 Maajo 2019. Neymar Jr ayaa bedelay maankiisa isagoo aan doonayn inuu sii joogo kooxda Paris Saint-Germain ugu yaraan xilli ciyaareed kale sida wararku ay sheegayaan.
Weeraryahankan ayaa ku dhowaad labo sanadood ay kaga harsan tahay qandaraaskiisa shanta sano ah oo uu ku joogo garoonka Parc des Princes, laakiin warar la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in laacibku uu doonayo inuu dib ugu laabto dalka Spain.
Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu diyaar u yahay inuu xilli ciyaareed kale la soo qaato kooxda Faransiiska, laakiin warsidaha Le10Sport ayaa soo jeedinaya inuu xiddiga reer Brazil haatan doonayo inuu kooxda ka tago xagaagan.
Warbixinta waxay intaa ku dareysaa in PSG oo dhowaan ka soo hartay tartanka Champions League iyo qaabka hooseeya oo ay muddooyinkii dambe ku ciyaareysay horyaalka Ligue 1 ay ka dambeyso go’aanka weeraryahanka.
Real Madrid ayaa la sheegayaa inay xiiseynayso Neymar Jr, inkastoo aysan caddeynin in kooxda ka dhisan horyaalka La Liga ay dooneyso inay bixiso lacag dhan 200 oo milyan oo gini si ay ula soo saxiixato ciyaaryahankii hore ee Barcelona.
Gool FM.