(London) 18 Juunyo 2019. Arsenal uu hogaaminayo tababare Unai Emery ayaa dooneysa inay xoojiso daafaceeda xilli ciyaareedka soo socda, kaasoo ku fashilmay xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay in Ganners uu ka qeyb galiyo tartanka Champions League xili ciyaareedka xiga.
Sida laga soo xigtay wargeyska Faransiiska ah “SoccerLink” ee sida aadka ah ula socda arimaha la xiriira suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, kooxda Arsenal ayaa bilowday inay wadahadal la furto aabaha dhalay daafaca reer France iyo kooxda Paris Saint-Germain ee Presnel Kimpembe.
23 jirkan ayaa ka mid ah xiddigihii ugu caansanaa uu soo saaray tababare Unai Emery intii uu macalinka u ahaa Paris Saint-Germain, wuxuuna ciyaaryahan muhiim ah ka noqday kooxda xili ciyaareedkii lasoo dhaafay ee 2018-2019.
Hadaba maamulka Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameeyeen aabaha dhalay xiddigan isla markaana wakiil u ah, si ay uga wada hadlaan suurtogalnimada uu kaga mid noqon karo kooxda reer London xagaaga soo socda.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in aabaha dhalay Presnel Kimpembe uu albaabada u faray in wiilkiisa uu ka tago PSG, xili ay ku adag tahay inuu iska diido fikrada ah inuu ka ciyaarayo horyaalka Premier League gaar ahaan kooxaha ka dhisan magaalada London.
Balse waxaa ilaa iyo haatan shaaca laga qaadin sida uu yahay go’aanka ciyaaryahanka iyo kan kooxda Paris Saint-Germain.
Gool FM.