(Paris) 19 Juunyo 2019. Waxaa wali shaki xoogan la galinayaa mustaqbalka xiddiga reer Brazil Neymar Jr ee kooxda Paris St Germain, iyadoo la hadal haayo inuu markale dib ugu laaban doono dalka Spain.
Waxaa sii xumaanaya xiriirka u dhexeeya ciyaaryahanka iyo maamulka kooxda, kuwaasoo albaabada u furay 27 jirkan haddii uu doonayo inuu bixi karo ama uusan raacin siyaasadda maamulka ee kooxda.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Neymar Jr ayaa fariin toos ah ee aad u adag u diray madaxweynaha Paris Saint-Germain, si uu ugu dhiirigaliyo inay iska iibiyaan isla markaana ay u ogolaadaan inuu markale dib ugu laabto Barcelona suuqan xagaaga.
Wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa daaha ka qaaday fariinta uu Neymar Jr u diray madaxweynaha kooxda Paris Saint-Germain ee Nasser Al-Khelaifi taasoo u dhigneyd sida tan:
“Ma doonayo inaan halkaan kasii ciyaaro, waxaan doonayaa inaan ku laabto gurigeyga, kaasoo aanan habooneyn inaan kasoo tago”.
Sida laga soo xigtay jariirada Thomas Tuchel ayaa ka daalay dhibaatooyinka Neymar Jr uu ka sameeyo qolka labiska kooxda PSG, sidaas darteed wax dood ah kama qabi doono hadii ay dhacdo in la iibiyo.
Gool FM.