Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Group-ka F ee Koobka Adduunka Dumarka 2019 oo la soo gaba-gabeeyay… + SAWIRRO

$
0
0

(Paris) 20 Juunyo 2019. Waxaa dhawaan la soo gabagabeeyey Group-ka F ee Koobka Adduunka Dumarka 2019, iyadoo la xaqiijiyey kooxaha ee ka soo baxay Guruubkan.

Ugu horeyn xulalka qaranka Gabdhaha ee USA ayaa 2-0 kaga adkaaday dhigooda Sweden, waxayna gabdhaha Mareykanka Group-kan kaga soo gudbeen kaalinta koowaad.

Kulamadan ayaa ahaa kulamada 3-aad Group-ka F ee Koobka Adduunka Dumarka 2019.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminayeen xulalka qaranka Gabdhaha ee USA.

Daqiiqadii 3-aad ee bilawga ciyaarta Lindsey Horan ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda Mareykanka, waxayna ka dhigtay 1-0, kaddib caawin ay ka heshay Samantha Mewis.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay labada dhinacba waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed loo riyaaqay, waxayna sameeyeen fursado halis ah ee loo filan karay goolal.

50 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Jonna Andersson oo ka tirsan qaranka Gabdhaha Sweden  ayaa iska dhalisay gool kam ah, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-0 ay ku hogaaminayeen Gabdhaha USA.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 2-0 ay guusha ku raacday xulka qaranka Gabdhaha ee USA, kulankoodii gabagabada ahaa Group-ka F ee Koobka Adduunka Dumarka 2019.

Dhinaca kale waxaa ciyaar aad u xiiso badan dhexmartay gabdhaha Chile iyo kuwa Thailand, waxaana kulankan uu ku dhammaaday 2-0 ay ku adkaadeen gabdhaha Chile.

Goolasha xulka qaranka Gabdhaha ee Chile ayaa waxaa u kala dhaliyay Waraporn Boonsing oo gool si kam ah isaga dhalisay iyo Maria Urrutia, daqiiqadihii 48-aad iyo 80-aad sida ay u kala horeeyaan.

si kastaba ha ahaatee waxaa haatan la xaqiijiyay 16-ka xul qaran ee kasoo baxay heerka Group-yada Koobka Adduunka Dumarka 2019, iyadoo USA kaalinta koowaad kaga soo baxday Group-ka F, halka Sweden ay ku soo baxeen kaalinta 2-ad.

FG: isku aadka wareega 16-ka Koobka Adduunka Dumarka 2019 dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.

SAWIRRO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles