(Italy) 22 Juunyo 2019. Shabakada “Sky Sports” ee fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga ayaa shaacisay maanta oo Sabti ah in mustaqbalka daafaca reer Holand iyo kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt uusan cadeeyn ilaa iyo haatan.
Sida laga soo xigtay shabakadan caanka ah ee lagu kalsoos yahay, waxaa jirta hal arin kaliya ee ku saabsan mustaqbalka Matthijs de Ligt, taasoo ah in xagaagan uu ka tagayo kooxdiisa Ajax, balse waxaa ilaa iyo haatan cadeeyn halka uu ku sii jeedo.
Saxafiga lagu magacaabo Fabrizio Romano ayaa ku sheegay boggagiisa rasmiga ah ee baraha bulshada sida Facebook, Twitter iyo Instagram in kooxda Juventus ay si xoogan u soo gashay loolanka loogu jiro saxiixa Matthijs de Ligt.
Fabrizio Romano ayaa sheegay in Matthijs de Ligt uu dalab ka helay Juventus, isla markaana kooxda reer Talyaani ay ka sugeyso jawaab laacibka reer Holand, inkastoo kooxaha PSG iyo Barcelona ay si aad ah u xiiseynayaan, lakiin ciyaaryahanka ayaan wali go’aaminin mustaqbalkiisa.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in de Ligt uu la hadlay kooxda Paris Saint-Germain 10-kii maalmood ee u danbeysay, laakiin ma uusan aqbalin dalabkooda ilaa iyo haatan, xili isaga iyo wakiilkiisa Mino Raiola ay wali wada hadal kula jiraan Barcelona.
Gool FM.