(Qahira) 28 Juunyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagumarti-gelinaya tartankan.
Dhowr kulan oo ka tirsan tartankan ayaa la ciyaaray, waxaana lagu guda jiraa heerkiisa guruubyada oo la rajeynayo in dhawaan la soo gabagabeeyo, isla markaana ay xulalku u gudbaan wareegga 16-ka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.
Saddex kulan oo ka tirsan tartankan ayaa galabta iyo caawa la kala ciyaari doonaa, waxaana kulan ka tirsan Group E ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 wada ciyaari doona galabta xulalka Tunisia iyo Mali.
Dhinaca kalena Group D labo kulan oo ka tirsan ayaa caawa la ciyaari doonaan iyadoo ay isku dheggan yihiin; Morocco vs Ivory Coast iyo South Africa vs Namibia.
Haddaba Eeg Kulamada laga ciyaari doono galabta iyo caawa Koobka Qarammada Afrika 2019 iyo saacadaha ay soo galayaan:-
Group E:
5:30 galabnnimo Tunisia vs Mali
Group D:
8:00 Fiidnimo Morocco vs Ivory Coast
11:00 Habeennimo South Africa vs Namibia
Sidoo kale waxaa jira kulamo caawa laga ciyaari doono tartankan Copa America 2019 oo heer gabagabo ah maraya waxay kala yihiin:-
10:00 habeennimo Venezuela vs Argentina – Labadaan xul midkii caawa soo adkaada ayaa afar dhammaadka Copa America la ciyaari doona xulka Brazil oo xalay rigooreyaal kaga soo gudbay Paraguay.
2:00 Saqda dhexe caawa waxaa wada dheeli doona xulalka Colombia vs Chile kulan ka tirsan siddeed dhammaadka Copa America xulkii adkaada ayaana u gudbi doona afar dhammaadka tartankan.
Geesta kale Koobka Adduunka dumarka ee 2019 oo maraya wareegga siddeed dhammaadka ayaa kulan ka tirsan caawa la ciyaari doonaa.
Xulka Marti-gelinaya tartanka sanadkaan ee France ayaa soo dhoweyn doona caawa xulka difaacanaya koobka adduunka dumarka ee Mareykanka ama USA, xulkii adkaada caawa ayaana u gudbi doona afar dhammaadka tartankan.
Kulanka Koobka Adduunka haweenka 2019 ee caawa la ciyaari doono iyo daacadda uu soo geli doono:-
10:00 habeennimo saacadda geeska Afrika: France vs USA
Gool FM.