(Spain) 02 Luulyo 2019. Sida ay shaacisay saxaafada dalka Brazil aabaha dhalay Neymar Jr ayaa wuxuu doonayaa inuu kulan la qaato Barcelona, si uu ugu ogolaado wiilkiisa dib ugu laabashada garoonka Cump Nou.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Esporte Interativo” ee dalka Brazil, aabaha dhalay Neymar Jr iyo qareenkiisa ayaa la filayaa in maanta oo Talaado ah ay kulan kula qaataan magaalada Barcelona André Cury oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda reer Catalonia.
André Cury ayaa ah khabiir ku taqasusay dhanka suuqa ciyaartoyda reer Brazil, wuxuuna door weyn oo muhiim ah ku lahaa heshiiskii uu horey Neymar Jr ku yimid Blaugrana kahor inta uusan kaga dhaqaaqin kooxda reer France ee Paris Saint-Germain.
Wargeyska “Esporte Interativo” ee dalka Brazil ayaa wuxuu sidoo kale sheegay:
“Waxaa jirta rajta rajo weyn ee ah suurtogalnimada ay labada dhinac ku gaari karaan heshiis, taas oo noqon doonta tallaabada ugu horeysa, kahor inta aysan la xaajoonin maamulka Paris Saint-Germain”.
Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan inay suurtogal tahay in Barcelona ay heshiiskan qeyb kaga dhigto qaar ka mid ah xiddigaha ku sugan kooxdeeda, si ay uga dhaadhiciyaan maamulka Paris Saint-Germain inay u ogolaadaan in Neymar Jr uu markale dib ugu laabto garoonka Cump Nou.
Si kastaba ha ahaatee, Neymar Jr ayaa kasoo dhaqaaqay Barcelona sanadkii 2017, wuxuuna ku biiray Paris Saint-Germain, maadaama kooxda reer France ay go’aansatay inay bixiso qiimaha lagu kansalay qandaraaskiisa ee gaarsiisnaa € 222 milyan oo Eoro, iyadoo ay haatan jiraan warar ku aadan in saraakiisha kooxda reer Catalonia ay doonayaan in wiilka reer Samba ay markale dib u soo ceshadaan inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.
Gool FM.