(Paris) 07 Luulyo 2019. Xulka qaranka ee Gabdhaha Mareykanka ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka Dumarka ee 2019, kaddib markii ay kaga adkaadeen 2-0 dhiggooda Netherlands,kulankii kama dambeysta ahaa ay wada ciyaareen.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah.
Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.
Daqiiqadii 61-aad Gabdhaha xulka qatanka USA ayaa waxay heleen rigoore waxaana gool u badashay Megan Rapinoe, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-0.
Ciyaarta ayaa noqotay weerar iyo weerar celis, iyadoo Gabdhaha xulka qaranka Netherlands ay sameeyeen fursado ay ciyaarta dib ugu soo laaban karaan.
Laakiin waxay wax walba isbadaleen daqiiqadii 69-aad ee ciyaarta, kaddib markii ay Gabdhaha xulka Mareykanka ay sii dheereysteen hogaanka, waxaana ciyaarta 2-0 ka dhigtay Rose Lavelle.
Ugu dambeyntii Xulka qaranka Gabdhaha ee Mareykanka ayaa difaacday markoodii saddexaad xiriir ah Koobka Adduunka Dumarka, iyadoo sanadkan lagu qabtay dalka Faransiiska, kaddib markii ay 2-0 kaga adkaadeen dhiggooda Netherlands.
SAWIRRO:
Gool FM.