(World) 10 Luulyo 2019. Halyeeyga kubadda cagta caalamka iyo ku guuleystaha koobkii adduunka 1998 ee Zinedine Zidane ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigihii ugu wanagsanaa ee kubadda cagta soo mara, waxaana jira dhacdooyin badan oo uu ka sameeyay kubadda cagta calamka, balse waxa aynu idinla wadaagi doonnaa habeenka mid ah habeennada qaaska ah ee uu Zidane ka yaabsaday daawatada kubadda cagta.
Xulalka qarammada Spain & France ayaa isku aaday koobkii adduunka ee 2006 waxaana ay labada xul qaranba ku tashanayeen awooddooda, walow magaca ugu weyn ee kulankaasi uu ahaa Macallinka haatan ee kooxda Real Madrid oo markaasi ahaa xiddig ay adag tahay in laga hortago iyo Spain oo ku hubeysnayd xiddigo magac leh sida Raul, Xavi, Puyal, Ramos, David Vila iyo magacyo kale haddaba maxaa dhacay habeenkaasi?.
Si aad wax badan uga ogaato u ogaato wixii habeenkaasi ka dhex dhacay xulalka France iyo Spain ka daawo muuqaalka hoose, waxaana idiin soo jeedinaya Wariyeheenna Shaafici Maxamuud Nuur Shaafinho.
VIDEO:-
Gool FM.