(Paris) 30 Luulyo 2019. Kooxda reer France ee Paris St Germain ayaa ogolaatay inay ka iibiso xiddiga reer Brazil ee Neymar Jr kooxda Barcelona, laakiin waxay ku xirtay in ka badan hal shuruud si heshiiska loo dhaqan galiyo.
Magaca Neymar Jr ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona, kaddib markii uu xiddiga reer Brazil muujiyay inuu doonayo markale uu ku laabto garoonka Camp Nou.
Maamulka SPG ayaa horey u diidanaa inay iibiyaan Neymar xagaagan, laakiin iyadoo ciyaaryahanka uu ku adkeystay inuu baxo, kooxda reer France ayaa go’aansatay inay ogolaato bixitaankiisa.
Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu tilmaamay in kooxda PSG ay weydiisatay 180 milyan euro si ay u iibiso Neymar Jr, waana lacago ka yar qiimihii hore ay miiska soo saareen ee gaarsiisnaa 300 milyan euro.
Wargayska ayaa intaas ku sii daray in Paris St Germain ay ka doonayso Barcelona inay bixiso qiimo dhan 180 milyan oo yuro hadii ay run ka tahay inay doonayaan iibsahada Neymar Jr, waxayna iska diideen in heshiiska qeyb looga dhigo ciyaartooy kasta sida Coutinho iyo Umtiti, waxayna doonayaan inay helaan lacago kaash ah.
Gool FM.