Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Nicolas Pepe oo soo gaaray Magaalada London ka hor inta uusan dhammaystirin heshiiska uu ugu biirayo kooxda Arsenal

$
0
0

(London) 30 Luulyo 2019. Sida wararku ay sheegayaan Nicolas Pepe ayaa soo gaaray Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska ka hor inta uusan tijaabada caafimaadka u marin maanta kooxda Arsenal.

Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ayuu ka soo dagay Nicolas Pepe, isagoo saacadaha soo aaddan tijaabada caafimaad u maraya kooxda Gunners ka hor inta uusan dhammaystirin heshiiska uu uga mid noqonayo naadiga ka dhisan Waqooyiga London.

Nicolas Pepe ayaa soo gaaray London, waxaana uu u jihaystay xarunta tababarka kooxda Arsenal sidaa waxaa sheegeysa BBC Sport, kaddibna waxa uu Arsenal halkaa ugu mari doonaa tijaabada caafimaadka.

Waxa uu Pepe ka soo tagayaa kooxda reer France ee Lille, isagoo ku soo dhaqaaqaya heshiis 72 milyan oo gini ah, Gunners ayaana saxiixa weeraryahankan ka dulqaaday kooxaha Paris Saint-Germain iyo Napoli.

Horay waxaa loo wariyey in 24-sano jirkaan uu heshiis shaqsi ah oo shan sanadood ah la gaaray kooxda Arsenal, waxaana uu qalinka ugu duugi doonaa heshiiskaas marka uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

Heshiiskaan uu ku imaanayo Pepe ayaa noqonayaa midkii ugu qaalisanaa abid oo ay ciyaaryahan kula soo saxiixato, waxaana ay u kala bixin doontaa Gunners lacagtaas 20 milyan oo gini oo hormaris ah iyo 52 milyan oo gini oo ay ku bixin doonto muddo shan sanadood gudahood ah.

Waxa uu noqonayaa Nicolas Pepe saxiixii afaraad oo ay xagaagan sameyso kooxda Arsenal, kaddib markii ay horay ula soo wareegtay laacibka reer Brazil ee Martinelli, difaaca William Saliba oo amaah dib loogu siiyay kooxdiisii hore Saint-Etienne iyo heshiis deyn ah oo ay kula soo wareegeen laacibkii khadka dhexe ee Real Madrid, Dani Ceballos.

Waxa uu ahaa Nicolas Pepe laacibkii labaad ee ugu goolasha badnaa horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii hore, waxaana ka horreeyey kaliya weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles