(Paris) 04 Agoosto 2019. Iyadoo Paris Saint-Germain ay u muuqatay inay gebi ahaanba ka baxday loolanka loogu jiray heshiiska xiddiga Lazio ee Sergej Milinković-Savić usbuucyadii la soo dhaafay, ayeey markale u muuqataa in laacibka reer Serbia uu bar-tilmaameed u noqdo kooxda reer France.
Sergej Milinković-Savić ayaa la filayay in heshiis cusub uu qalinka ugu duugayo kooxda Manchester United, laakiin maadaama aan wali la xalinin mustaqbalka Pogba iyo inay xiiseenayaan Bruno Fernandes ayaa laga yaabaa inay caqabad ku noqotay howlgalka lagu doonayay in xiddiga reer Serbia uu ugu dhaqaaqo garoonka Old Trafford.
Sidaas darteed kooxda PSG ayaa heysata fursad ay uga faa’ideysato xaaladdan oo ay dib u bilowdo wadahadaladii ay kooxda Lazio kaga dooneysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Sergej Milinković-Savić.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Corriere dello Sport” ee dalka Talyaaniga kooxda Manchester United ayaa dib u dhigi doonta heshiiska ay ku dooneyso Sergej Milinković-Savić, iyadoo la rajeynayo suurtagalnimada ay kula soo wareegi karaan xiddiga kooxda Sporting ee Bruno Fernandes.
Yeelkadeeda, saraakiisaha Lazio ayaa ku fikireysa inay heystaan adeega laacibkooda Sergej Milinković-Savić, isla markaana ay u soo bandhigaan dalab cusub si uu u saxiixo heshiis cusub uu ku sii joogayo kooxda.
Laakiin agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Paris Saint-Germain Leonardo, ayaa dhankiisa laga yaabaa in laacibkan uu ka gudbiyo dalabkiisa ugu dambeeya ee suuqan kala iibsiga ee xagaaga.
Gool FM.