(Madrid) 07 Agoosto 2019. Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa isku dayaysa inay Paris Saint-Germain ku qanciso dalab cusub ay kaga dooneyso inay kaga qaadato xiddigeeda reer Brazil ee Neymar Jr.
27 jirkan reer Brazil ayaa si weyn lala xiriirinayaa inuu u dhaqaaqayo midkood kooxaha muruqa weynayaasha ah ee dalka Spain Real Madrid ama Barcelona.
Paris Saint-Germain ayaa diiday dalabkii ugu dambeeyay ee kaga yimid kooxda Barcelona, kaasoo ahaa lacago iyo in heshiiska uu qeyb ka noqdo Philippe Coutinho, iyadoo kooxda reer France ay dooneysay inay hesho lacag dhan 180 milyan euro.
Hadaba wargeyska “Sport” gobolka Catalonia ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez uu doonayo inuu adeegsado xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya Paris Saint-Germain isla markaana uu dalab qaas ah u soo bandhigo si uu kaga helo ciyaaryahanka reer Brazil ee Neymar Jr.
Dalabka cusub ayaa noqon doona 120 milyan euro, iyadoo xiddiga ugu fiicnaa adduunka xilli ciyaareedkii hore ee reer Croatia Luka Modrić uu qeyb ka noqon doono heshiiska, taasoo laga yaabo inay ogolaadaan Paris St Germain.
Wargeyska “Sport” ee gobolka Catalonia ayaa wuxuu sidoo kale sheegay in Neymar Jr laga yaabo inuu diido dalabkan cusub maadaama uu xiddiga reer Brazil doonayo inuu ku laabto Barcelona si uu markale dib ula midoobo kooxdiisii hore ee Blugarana, gaar ahaan asxaabtiisa Leo Messi iyo Luis Suarez.
Gool FM.