Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

PSG oo niyad jabisay Barcelona… halka Real Madrid iyo Juventus ay sugayaan tallaabada xigta ee arrinta Neymar

$
0
0

(Yurub) 21 Agoosto 2019. Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay iska diiday dalab kaga yimid kooxda Barcelona ee ahaa in qaab amaah ah ay ku qaataan Neymar Jr xagaagan.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Spain, kooxda Paris Saint-Germain ayaa muujisay sida ay diyaar ugu tahay in Neymar Jr ay ku fasaxdo heshiis amaah ah, laakiin waxay diideen dalabka dhaqaale oo ay soo bandhigtay Barcelona.

Sida uu sheegay wargeyskan Barcelona ayaa soo bandhigtay dalab ay ku amaahaneyso Neymar in ka badan 8.5 milyan euro mudo hal xili ciyaareed ah, iyagoo dooq u yeelan kara in ciyaaryahanka ay ku wada iibsadaan qiimo dhan 150 milyan euro, taasoo ay iska diiday PSG inay ogolaato.

Kooxda reer France ee PSG ayaa ku qiimeeysay xiddigoodan reer Brazil ee Neymar Jr qiimo dhan 250 milyan euro, waxayna doonayaan inay shuruud kaga dhigaan Barcelona inay bixiso lacagahan dhamaadka xili ciyaareedkan.

Labada dhinac ayaa la qorsheenayaa inay sii wadaan wadahadalada u dhexeeya maalmaha soo socda.

Qiimahan ay dul dhigtay PSG laacibkeedan ayaa ku adkaan karta Barcelona, maadaama ay kooxda u baahan tahay inay isku dheellitirto dhaqaalaheeda, kahor inta aysan qaadin talaabadan.

Kaddib markii ay lacago aad u badan ay ku bixisay Barcelona heshiisyadii Griezmann iyo De Jong, way adkaan doontaa in heshiiska Neymar lagu soo gabagabeeyo qiimaha kor ku xusan.

Real Madrid ayaa sugeysa tallaabada xigta ee Barcelona, ​​si ay u xalliso kiiska Neymar, halka Juventus ay dhankeeda sugeyso xaaladda, iyagoo rajeynaya in heshiiska ay ku doonayaan xiddiga reer Brazil ay qeyb kaga dhigaan Paulo Dybala.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles