Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Mid ka mid ah macalimiintii ay horay u soo wada shaqeeyeen Neymar Jr oo kaga digay inuu ku laabto Barcelona

$
0
0

(Paris) 24 Agoosto 2019. Iyadoo uu suuqa kala iibsiga xiddigaha uu ka harsan yahay wax ka yar labo todobaad, Neymar ayaan weli salka u dhigin ka dhaqaaqistiisa garoonka Parc des Princes, inkastoo ay meesha ka baxday qorshihii ku aaddanaa mustaqbalkiisa ee ahaa in arrintiisa kooxda la xaliyo.

Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ayaa dhammaantood la sheegayaa inay ku jiraan tartanka saxiixa 27-sano jirkan, inkastoo ay u muuqato in soo iibsiga uu yahay mid aad uga fog dhammeystirka.

Haddaba macalinkii hore kooxda reer Brazil ee Santos, Muricy Ramalho ayaa kaga digay Neymar Jr dib ugu laabashada safka Barcelona xagaagan, maadaama ay jirto in wali taageerayaasha garoonka Camp Nou ay ka careysan yihiin isaga.

Tababare Muricy Ramalho iyo Neymar Jr ayaa waxay ka soo wada shaqeeyeen kooxda Santos, kahor inta uusan xiddiga reer Brazil u dhaqaaqin Barcelona xagaagii 2013.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Tababare Muricy Ramalho waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

Image result for Neymar  and Muricy Ramalho 2019

“Waa in Neymar uu fahmaa in heshiiska uu yahay mid aad u adag, waxaa jira shuruudo dhanka Barcelona ah oo aan sahlaneyn, Neymar si fiican ugama bixin, kooxda iyo taageerayaasha wax kalsooni ah kuma qabaan”.

“Neymar waa inuu fahmaa arrintaas uuna diyaar u noqdaa, haddii ay dhacdo inuu ku laabto Barcelona, wuxuu ku soo laaban doonaa garoonka, halkaas uu kala kulmi doono dhaleecaeno badan”.

Si kastaba ha noqotee, ninkan reer Brazil ayaa sheegay in waxyaabo badan aysan u fududaan doonin Neymar Jr, inkastoo ku laabashadiisa Barcelona ay u noqon laheyd waxa ugu fiican isaga xilligan.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles