(Yurub) 25 Agoosto 2019. Isbarbardhigga xiddigaha ka soo kala jeeda qaaradaha Laatin America iyo Yurub waxa ay kubadda cagta ka dhigeen mid madadaalo iyo tartan leh, waxa ay u kala dhasheen wadamma Argentine iyo Portugal waxna ay biladda xiddiga adduunka wadar ahaan ku guuleysteen 10 jeer, kuwaasi waa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.
Dhammaan dadka ku lugta leh kubadda cagta ayaa u kala safta labadan xiddig ee awoodda badan, kuwaasoo kubadda cagta caalamka ku tartamayay sanadihii ugu dambeeyay dhanka billadaha iyo koobabka ay kula guuleysanayaan kooxahooda, waxaana ay dunida dafaheeda ku leeyihin labadan laacib tageerayaal aad u fara badan.
Waxa aynu muuqaalka ku eegi doonnaa halyeeyada kubadda cagta, Macallimiinta ama xiddigaha ugu caansan ee jiilkaan kuwaasoo bahdilay CR7, islamarkaana aaminsan in Messi uu yahay xiddiga ugu wanaagsan adduunka xirfad ahaanna uu duni kale ka yimid haddaba dhammaan halyeeyada, tababareyaasha iyo xiddigaha magaca kuleh kubadda cagta hadalkooda ka daawo muuqaalka hoose, waxaana sheedinaya Shaafici Shaafinho.
VIDEO:
Gool FM.