(Paris) 27 Agoosto 2019. Daafaca reer Brazil iyo kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Thiago Silva ayaa sheegay in xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Neymar Jr uu ka codsaday inuu sii joogo garoonka Parc des Princes inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaaga.
Thiago Silva ayaa wareysi uu ku bixiyay raadiyaha Faransiiska ah ee “RMC” wuxuu ku sheegay:
“Waxaan rabaa in Neymar Jr uu sii joogo waxaan u sheegay inuu yahay xidig muhiim u ah koox kasta”.
“Runtii ma aqaano arrinta saxda ah u dhexeysa isaga iyo maamulka kooxda, laakiin waa dhibaato qaas ah ee ka dhexeysa iyaga, balse waxaan sugayaa ilaa iyo dhamaadka suuqa xagaaga”.
Si kastaba ha noqotee, Thiago Silva ayaa wuxuu noqon doonaa 35 jir, 22-ka bisha Sebtember ee soo aadan, wuxuuna rajeynayaa inuu sii joogo caasimada Faransiiska.
Gool FM.