Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Liiska xulka France oo lagu dhawaaqay, xiddig ka tirsan Man City oo markii ugu horreysay loo yeeray xilli uu maqan yahay Kante

$
0
0

(Berlin) 29 Agoosto 2019. Liiska xiddigaha xulka qaranka Faransiiska ayaa lagu dhawaaqay, iyadoo markii ugu horreysay xulka looga yeeray ciyaaryahanka kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte, halka uu shaxda ka maqan yahay N’Golo Kante.

Xulka qaranka France ayaa wajahaya kulamadooda soo aadan dhiggooda Albania iyo Andorra.

Daafaca kooxda kubadda cagta Manchester City ee Aymeric Laporte waa mid ka mid ah todobo ciyaaryahan oo Premier League ka xamaasha oo ku jira shaxdan uu macallin Didier Deschamps u soo xushay in wiilashiisa reer France ay ciyaaraan kulamada ku soo aaddan ee isreeb-reebka EURO 2020.

Daafacan dhexe ayaan weli u ciyaaray qarankiisa, laakiin waxa uu bandhig cajii bah ku sameeyey kooxdiisa Manchester City, taasoo keentay in Laporte xulka France looga yeero.

25-sano jirkaan Laporte, waxaa sidoo kale xulka kula jira xiddigaha ay ka wada xamaashaa Premier League ee Hugo Lloris, Paul Pogba, Lucas Digne iyo Moussa Sissoko.

Labada ciyaaryahan ee kooxda Chelsea Olivier Giroud iyo Kurt Zouma ayuu macallin Deschamps sidoo kale u soo doortay kulammada ay wajahayaan Albania iyo Andorra 7 iyo 10 bisha September.

Sidoo kale shaxda xulka qaranka France waxaa ku jira ciyaaryahanka ​Real Madrid ee Raphael Varane, labada laacib ee ​Barcelona, Clement Lenglet iyo Antoine Griezmann.

Waxaa sidoo kale xulka looga wacay xiddigaha kooxda ​Bayern Munich ee Lucas Hernandez, Benjamin Pavard, Kingsley Coman iyo Corentin Tolisso.

Haddaba halkaan hoose ka eeg magacyada xulka qaranka France ee ka qeyb galaya isreeb-reebka Euro 2020:-

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles