(Paris) 02 Sebt 2019. Kooxda kubadda cagta ee Paris Saint-Germain ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay lasoo wareegtay goolhayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay naadiga Real Madrid heshiis joogto ah.
PSG ayaa sidoo kale si rasmi ah ugu dhawaaqday bixitaankeeda goolhayaha da’ada yar reer France ee Alphonse Areola kaasoo ugu biiray Real Madrid heshiis amaah ee hal xili ciyaareed ah ilaa iyo bisha June sanadka soo socda ee 2020.
Kooxda PSG ayaa war rasmi ah ay ku shaacisay website-keeda iyo dhamaan boggageeda ay ku leedahay baraha bulshada ee sida Facebook iyo Twitter waxay ku xaqiijisay inay la saxiixatay Keylor Navas, isla markaana qaab amaah ahaan ay ugu fasaxday goolhaayaheeda Alphonse Areola naadiga reer Spain ee Real Madrid.
Real Madrid ayaa kala heshiisay kooxda Paris Saint-Germain inay kaga iibiso goolhayaha reer Costa Rica ee Keylor Navas qiimo dhan 13 milyan oo euro, iyo inay ku qaadato goolhaayaha da’ada yar ee reer France Alphonse Areola heshiis amaah ee mudo hal xili ciyaareed ah.
Keylor Navas ayaa ku biiray kooxda Real Madrid xagaagii 2014 isaga oo kaga soo dhaqaaqay naadiga Levante, wuxuuna la qaaday koobab badan uu qeyb ka yahay Champions League, wuxuuna u ciyaaray 104 kulan ee ah dhamaan tartamada kala duwan.
Gool FM.