(Paris) 03 Sebt 2019. Macalinkii hore kooxda Arsenal ee reer France Arsene Wenger ayaa xaqiijiyay inuu ku faraxsan yahay in Neymar Jr uu sii joogo kooxda Paris Saint – Germain.
27 jirkan reer Brazil ayaa si weyn lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Paris Saint – Germain, si uu dib ugu laabto Barcelona, balse naadiga reer Catalonia ayaa waxay ku fashilmeen inay heshiis kama dambeys ah la gaaraan PSG, taasoo ka dhigtay inuu sii joogo garoonka Parc des Princes.
Haddaba Arsene Wenger ayaa u sheegay shabakada caanka ah ee Bien Sport:
“Waxaan filayaa in Neymar Jr lagu tiriyo inuu ka mid yahay saddexda xiddig ee caalamka ugu fiican, waana ku faraxsanahay inuu sii joogo kooxda Paris Saint – Germain”.
“Markaad lumiso mid ka mid ah seddexda xiddig ugu fiican ee kooxdaada, sharciga dunidan ayaa wuxuu sheegayaa inaad waayi doonto xiddig kale sanadka soo socda”.
“Wey adag tahay inaad heysato ciyaartoy isbedel sameyn kara, xitaa haddii aad tahay koox heysata lacag aad u badan, marka aad xiddigo fiican ku heysato kooxda, waa inaad ilaashataa”.
“Marka aad dooneysid inaad sii haysato ciyaaryahan, waa inaad ku qancisaa sida uu muhiim ugu yahay kooxda, halkii aad kala hadli laheyd suurtogalnimada iibintiisa”.
Gool FM.