(Paris) 03 Sebt 2019. Mauro Icardi ayaa dhammaystiray u dhaqaaqistiisa kooxda Paris Saint-Germain ee dalka France.
Waxa ay uga soo qaateen heshiis amaah ah naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga waxaana ay qiyaar u haystaan in haddii uu anfaco ay ku wada iibsan karaan 70 milyan oo euro dhammaadka xilli ciyaareedka.
“FC Internazionale Milano waxa ay ku dhawaaqaysaa in Icardi uu ku biiray Paris Saint-Germain, weeraryahankan reer Argentine ayaa kooxda reer France u saxiixay hal sano oo heshiis amaah ah oo ay dooq u haystaa inay wada iibsadaan.”
“Isla mar ahaantaana, Icardi waxa uu heshiis la gaaray FC Internazionale Milano oo uu qandaraaska u kordhiyey illaa 30-ka bisha June sanadka 2022.”
Shabakadda Sky Sport Italia ayaa warinaysa inay heshiiskan amaahda ah uu ku kacayo 5 milyan oo euro oo lagu daray 7 milyan oo euro oo gunno ah oo ay bixinayso PSG, isla markaana ay markaas xagaaga soo socda ku wada iibsan karto haddii ay doonto 65 milyan oo euro.
Mauro Icardi ayaa u xiran doona PSG lambarka 18-aad sida ay shaacisay kooxda reer France.
Here’s an up-close look at @MauroIcardi‘s arrival in Paris. pic.twitter.com/OFKczZALEb
— Paris Saint-Germain (@PSG_English) September 2, 2019
Gool FM.