(Spain) 05 Sebt 2019. Neymar Jr ayaa suuqii xagaaga si weyn lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Paris Saint – Germain, si uu dib ugu laabto Barcelona, balse naadiga reer Catalonia ayaa waxay ku fashilmeen inay heshiis kama dambeys ah la gaaraan PSG, taasoo ka dhigtay inuu sii joogo garoonka Parc des Princes.
Haddaba tababarihii hore ee xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa ka hadlay fashilka wadahadalada u dhaxeeyay Barcelona iyo Paris St Germain ee ku aadanaa in Neymar Jr uu dib ugu soo laabto garoonka Camp Nou suuqii dhawaa ee xagaaga.
Paris St Germain ayaa dalbatay adduun lacageed dhan 300 milyan euro si ay u iibiso Neymar Jr., ama seddexda xiddig ee kooxda Barca – Ousmane Dembélé, Ivan Rakitic iyo Jean-Clair Todibo iyo lacago dhan 120 milyan euro.
Laakiin tababarihii hore ee xulka qaranka Spain Vicente del Bosque ayaa xaqiijiyay inuusan lasoo wareegi laheyn Neymar Jr haddii uu isagu mas’uul ka yahay mid ka mid ah kooxaha waa weyn, isagoo arrintan sabab kaga dhigay dabeecadihiisa, murankiisa badan iyo sameyntay ay kooxda ku yeelan karto mudada uu joogo.
Vicente del Bosque ayaa ku sheegay arrintan kaddib wareysi uu bixiyay:
“Waxaan u maleynayaa inay fiicnaan lahed inuu ku soo laabto horyaalka La Liga, laakiin haddii aan mas’uul ka ahaan lahaa mid ka mid ah kooxaha, ma keensan laheyn halkan si walba ay xaalada noqoto”.
“Sida aan horey u sheegay, waa ciyaaryahan fiican, laakiin uma jecli isaga sababo badan aawadood, marka uu joogay Barcelona wuxuu u dhaqmayay qaab xun ama six un”.
“Haddii aan codbixin ka sameeyo gudaha kooxda Barcelona, waxaa xaqiiqo ah inay jiri doonaan in ka badan 50% oo ka labalabeenaya soo laabashadiisa”
Gool FM.