(Madrid) 07 Sebt 2019. Kooxda kubada cagta Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay soo xero-geliso weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe xagaaga soo aaddan.
Los Blancos ayaa si xooggan loola xiriirinayay inay u dhaqaaqeyso xiddiga ay isku kooxda yihiin Mbappe ee Neymar ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Yurub bilowga bishaan.
Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Wargeyska Sport kooxda Real Madrid ayaan dooneynin in ay dib ugu laabtaan saxiixa xiddiga reer Brazil dhammaadka xilli ciyaareedkan, maadaama ay si rasmi ah ugu jeediyeen dareenkooda Kylian Mbappe.
Warbixinta ayaa sheeganaysa in 20-sano jirka uu noqon doono bartilmaameedka kooxda reer Spain xagaaga soo aaddan, iyadoo Zinedine Zidane uu doonayo inuu keeno gooldhaliyahan garoonka Bernabeu.
Xiddiga reer France ayaa dhaliyay 62 gool 91 kulan oo uu u saftay PSG tan iyo bilowgii xilli ciyaaredkii 2017-18 oo ay ku jirto labo ka mid ah afartii kulan ee uu u saftay kooxda haysata horyaalka Faransiiska bilowga kal ciyaareedka cusub.
Mbappe oo haatan dhaawac muruqa ah qaba ayaa qandaraaskiisa garoonka Parc des Princes waxa uu dhici doona xagaaga 2022-ka.
Si kastaba ha ahatee, Naadiga caasimadda Spain ka dhisan ayaa suuqa soo aaddan awoodeeda isugu geyn doonta inay la soo saxiixto dhowr xiddig oo ay ku fashilantay inay adeegooda hesho suuqii la soo dhaafay, balse waa in aan xisaabta laga saarin in bedelka Neymar iyo baadi goobkisiiba ay ku badali doonto la soo saxiixashada da’yarka ku guuleystay koobkii adduunka 2018 ee Kylian Mbappe.
Gool FM.