(Manchester) 21 Sebt 2019. Wargeyska “L’Equipe” ee dalka France ayaa maanta sheegay in Manchester United ay soo bandhigtay dhowr dooqyo ay dooneyso inay ka dhigato badalka tababare Ole Gunnar Solskjær, waxaana ka mid ah Thomas Tuchel, haddii ay dhacdo in macalinka reer Norwegian uu ku fashilmo in Red Devils uu gaarsiiyo meesha ugu sareysa.
Manchester United ayaa u sheegtay tababaraha Kooxda PSG ee Thomas Tuchel inay xiiseeneyso adeegyadiisa xilliyada soo aadan, sida ay sheegeyso saxaafada.
Warbixinta ayaa timid lix bilood kaddib markii uu macallinka reer Norwey saxiixay qandaraas seddex sano ah, balse gudiga sare ee kooxda iyo taageerayaasha ayaa waxay bilaabeen inay badalaan aragtidooda kaga aadan in tababare Solskjær uu sii joogo garoonka Old Trafford.
Dhinaca kale wargeyska “Les Sport 10” ee dalka France ayaa wuxuu sheegay inay jiraan saddex kooxood Yurub ah eel ala xiriirinayo macalinka haatan leyliya Paris Saint-Germain ee Thomas Tuchel si ay ula soo wareegaan waxaana ka mid ah Bayern Munich iyo Manchester United.
Kooxda Manchester United ayaa ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, inkastoo ay si qurux badan ula shaqeeyeen tababare Solskjær markii ugu horeysay uu si ku meel gaar ah u qabtay shaxda tababarka ee Red Devils kadib ceyrintii Jose Mourinho.
Gool FM.